Bor, Mareeg.com: Hogaamiyaha falaagada dagaalka kula jira dowladda Koonfurta Sudan Rieck Machar ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo madaxweynaha dalka Salva Kiir.
Rieck Machar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, islamarkaana hogaaminaya maleeshiyo ku kacday dowladda ayaa la kulmay cadaadis caalami ah oo kaga yimid beesha caalamka.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Mussaveni ayaa ku hanjabay inuu tilaabo milateri ka qaadi doono maleeshiyada Rieck Machar hadii uu ka joogsan waayo dagaalka, islamarkaana aqbali waayo waanwaanta beesha caalamka iyo Afrika.
Midowga Afrika ayaa dhankiisa ku hanjabay inuu cunaqabateyn kusoo rogi doono ciddii caraadisa colaadda, islamarkaana ka hor yimaadda dadaallada nabadeed ee colaadda lagu joojinayo.
Isagoo la hadlayey BBC ayuu sheegay Rieck Machar inuu wafdi ka kooban 3 xubnoo u dirayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si loo bilaabo wadahadal.
Warka kazoo yeeray Machar ayaa kusoo beegmay kadib markii falaagadu mar kale dib ula wareegeen qeybo ka mid ah magaalada Bor oo horay ciidamada dowladdu uga saareen, hase ahaatee Machar leeyahay magaalada oo dhan ayaan gacanta ku heynaa.
Machar oo jawaabay hadalka madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in hanjabaadda Musaveni tahay faragelin qaawan oo uu ku sameynayo arrimaha gudaha Koonfurta Sudan.
Reick Machar ayaa horay shuruurd ugu xirary wadahadal uu la galo madaxweyne Salva Kiir, taasoo aheyd in marka hore lasii daayo siyaasiyiinta ku fekerka ah ee xiran dowladda.
Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa horay meesha uga saaray suurtaglnimada in awood qeybsi dhexmaro isaga iyo Rieck Machar, wuxuuna tilmaamay ineysan sax aheyn in Machar lagu abaalmariyo falaaganimada uu ku dhaqaaqay iyo dagaalka uu kiciyey.
Dagaalka Koonfurta Sudan oo bilowday 15-kii bishaan December ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,000 waxaana ku barakacay ilaa 200,000 oo kale.
Mareeg.com