Hogaamiyaha Alqaacidda oo ku dhawaaqay garab cusub oo ka dagaalama Asia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hogaamiyaha Alqaacidda oo ku dhawaaqay garab cusub oo ka dagaalama Asia

Mareeg.com: Hoggaanka Al Qaacidda, Dr.Aymen Al Dawaahiri ayaa ku dhawaaqay Farac cusub oo Al Qaacidda katirsan kaasi oo ka howlgeli doono dhowr wadan oo qaardda Asia katirsan.

Cod maqal iyo muuqaal ah oo ay soo saartay mu’asasada Al-saxaab ee garabka warbaahineed ee Al Qaacidda ayaa lagusoo bandhigay Dr.Aymen Al Dawaahiri oo ku dhawaaqaya faraca cusub ee Qaacidatul “Jaziirad u ekaha qaaradda Hindiya”.

Dawaahiri ayaa sheegay in Al Qacida ay balaarineyso faraceeda dalka India isla markaana ay sare usii qaadeyso dagaalka ay ka wado dalka India, si halkaasi mustaqbalka looga dhiso maamul islaami ah.

Muuqaalkan oo soconayay 55-daqiiqo ayaa balan qaaday inay dib u cusbooneysiiyeen garab-istaaga iyo u daacad ahaanshaha Hogaamiyaha Talibanka Afganistan Mullah Omar.

Waxaa uu sheegay in faraca cusub ee India ay noqon doonto mid isku xirta Muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Pakistan, Burma, Maamul goboleedka India ka jira ee dadka muslimiinta ay ku nool yihiin iyo Gobolka Kashmiir.

Hadalka hogaamiyaha Al Qacida ayaa la filayaa inuu ku doonayo in markale magaca Al Qacida sare loo soo qaado xili bilihii lasoo dhaafay ay aad u xoogeysatay kooxda Daacish ama IS oo iyadu horey uga mid ahaan jirtay Al Qacida, kahor intuusan Zawahiri ka saarin kooxdaasi ururka Al Qacida oo uu hareeyeen khilaaf ku aadan cida noqon doonta hogaanka kooxdaasi ee dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.