Hogaamiyaasha Midowga Yurub oo ka shiraya qulqulka tahriibka

Read Time:32 Second

Mareeg.com: Madaxda Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in shir degdeg ah ay ku yeeshaan Brussels maanta gelinka dambe, ayagoo ka hadlaya xiisadda dadka muhaajiriinta ee Mediterranean-ka.

Waxaa la filayaa inay ka xaajoodaan talaabooyin wax looga qabanayo tirada muhaajiriinta naftooda biimeeya si ay Yurub u gaaraan.

Talaabooyinkaas waxaa ku jira codsi uu soo jeediyey ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, oo ku saabsan in Milateriga loo igmado inay burburiyaan doomaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya ka hor inta aysan shiraacan.

Horraantii todobaadkan, in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhintay xeebta Libya markii ay doontoodii degtay, taasoo ka dhigaysa qiyaasta dadka dhintay sannadkan in ka badan 1,700.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.