Juba, Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Kneya, Uhuru Kenyatta iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa manta gaaray caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba.
Labada hogaamiye ayaa u tegay dalkaas iney isku dayaan sidii xal nabadeed loogu heli colaad muddo labo todobaad ah ka taagan dalkaas oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof oo rayid u badan.
Madaxweynaha dalka Kneya, Uhuru Kenyatta iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa lagu wadaa in goor dambe oo manta khamiista ah magaalada Juba kula kulmaan madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir.
Xogyahaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa Fariin uu Ciida Masiixiga u diray Koofurta Sudan waxaa uu u sheegay in Kooufurta Sudan aanay keligeed aheyn, waxaana horay dalal badan ugu baaqeen in la joojiyo colaadda Koonfurta Sudan.
Madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir ayaa isaguna shacabka dalkiisa u sheegay inuu rajeynayo in raga kazoo horjeeda miiska wada hadalka soo fariistaan oo colaadda la xalliyo.
Horay waxaa dalka Koonfurtsa Sudan o tehay wasiiro arrimo debadeedyada lix dal oo ka mid ah IGAD, hase ahaatee guul darro ayay la soo laabteen, taasoo keentay in dalkaas is geeyeen Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn.
Dagaalka ka socda Koonfurta Sudan ayaa u dhaxeeya siyaasiyiin beelahooda salka la galay oo kazoo kala jeedo beelaha Nuer iyo Dinka. Madaxweynahqa Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa kazoo jeeda beesha Dinka, halka ku xikeenkiisii hore ee dagaalka kala soo horjeeda Rieck Machar uu kazoo jeedo beesha kale ee Nuer.
Mareeg.com