Hogaamiyaasha Koonfurta Sudan oo ku guul dareystay heshiis awood qeybsi ah

Read Time:1 Minute, 9 Second

Addis Ababa: Is-mariwaa ayaa hareeyey wadahadaladii looga golahaa in lagu soo afjaro colaadda 14 bilood jirsatay ee ka taagan wadanka South Sudan.

Madaxweyne Silva Kiir iyo hoggaamiyaha falaagada Riyaq Mashar ayaa ku guul daraystay in ay heshiis ka gaaraan sidii ay awooda u qeybsan lahayeen, iyadoo saacada yar un ay ka harsanyihiin waqtigii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in ay heshiis ku gaaraan..

Waqtigaasi kama dambaeysta ah waxa u qabtay Urur goboleedka IGAD oo dhaxdhaxaadinaya labada dhinac, waqtigaas oo ahaa maanta oo ah shanta March 2015.

Maalintii talaadada, golaha amaanka ee QM waxa uu meel mariyey qorshayaal cunaqabateen ah oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka looga shakinayo in ay is-hortaagayaan hanaanka nabada ee dalkaasi South Sudan.

Bishii May ee sanadki hore ayaa heshiis ay goobjoog ka ahaa Raysulwasaraha dalka Itoobiya Hailamaraim Deseglin, wakiilo ka socday Afrika, Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay waxey laba dhinac ku saxiixeen xabad joojin inkastoo marar badan la jebiyey.

Sidoo kale, labada hogaamiye ayaa horaantii bisihii hore ee Febaraayo mar kale magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis dhigayey in ugu dambeyn 5-ta bishan March oo ah maanta ay ku soo afjarayaan colaadda ragaadisay dalkaasi.

Kummanaan qof ayaa naftooda waayey tiro ka badan hal milyan iyo bar kalena waa ay barakeceen tan iyo bishii December sanadkii 2013-kii, xilligaasi oo ahayd markii ay colaadda ka billaabatay dalkaasi ugu da’da yar caalamka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.