Hogaamiyaasha dagaalka Koonfurta Sudan oo heshiis aan farxad laheyn ku kala saxiiday Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hogaamiyaasha dagaalka Koonfurta Sudan oo heshiis aan farxad laheyn ku kala saxiiday Itoobiya

Addis Ababa – Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kir iyo ku xigeenkiisii hore ee hogaamiya fallaagada dowladdaku kacsan Riack Mashar ayaa heshiis nabadeed ku kala saxiixaday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Raysulwasaraha dalka Itoobiya Hailamaraim Deseglin, wakiilo ka socday Afrika, Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiska ay gaareen labada dhinac ee bilihii lasoo dhaafay ku dagaallamayay Koonfurta Sudan ayaa wuxuu dhigayaa in dagaalka la joojiyo muddo 24 saac guduhooda ah kadib marka heshiiska la saxiixo.

Sidoo kale, heshiiska ayaa dhigaya in dhinac kasta ciidamada ka durjiyo kuwa kale ee kazoo horjeeda, islamarkaana uusan sameyn wax dhaqaaq ciidan ah, iyo in kormeerayaal ka socda IGAD ay tagaan goobaha lagu dagaallamay si ay ula socdaan dhaqangalka heshiiska.

Qodobada lagu heshiiyey waxaa kale oo ka mid ah in la dhiso dowladda KMG ah oo dalka u diyaarisa dastuur, islamarkaana u gogol xaarta doorasho.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku hesheeyey in waddooyin aamin ah loo furo kaalmada la gaarsiinayo dadka ku barakacay colaadda dalkaas, kuwaasoo ka badan 1 milyan ruux.

Heshiiska ay gaareen Salva Kir iyo Riack Mashar ayaa ku yimid cadaasi xoog leh oo ay saareen dalalka Mareykanka iyo Yurub.

Salva Kir iyo Riack Mashar ayaa saxiixay heshiiskan iyadoo aan wax farax ah ka muuqan mid kasta oo ka mid ah labadooda, inkastoo ay is gacan qaadeen markii ay soo gelayeen hoolka heshiiska lagu saxiixayey.

Colaadda Koonfurta Sudan oo bilaabatay dhamaadkii sanadkii 2013 ayaa galaafatay kumanaan dad ah.

Dagaalka ayaa dalkaas ka qarxay kadib markii madaxweyne Salva Kir uu xilka ka qaaday ku xigeenkiisii Riack Mashar, taasoo keentay inuu dhaco isku day afgembi sida dowladdu sheegtay, dabadeedna dagaal qarxo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!