Wasaaradda arrimaha gudaha: Ahlusuna ciidamo ma lahan bilo ka hor ayay dowladda ku biireen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaaradda arrimaha gudaha: Ahlusuna ciidamo ma lahan bilo ka hor ayay dowladda ku biireen

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo hogaaminayay wafdigii dowladda ee tagay Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in wax wanaagsan ay dhex mareen iyaga iyo Maamulka Ahlusuna.Mr Goodax ayaa sheegay in xubnihii Ahlusuna ee ay la soo kulmeen kala hadleen arrimo badan muhiim ah, isagoo beeniyay wararka sheegaya inuu dhex maray khilaaf ku saabsanaa wada hadalkooda.”Anaga dadkii aan soo aragnay wax wanaagsan na dhex maray, ma ogin waxa aad sheegeysaan”ayuu yiri Wasiir Goodax oo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.”Ahlusuna ciidamo ma lahan bilo ka hor waqti laga joogo ayay dowladda ku soo wareejiyeen, kadib heshiis dhex maray, waa urur diini iyo siyaasiyan ah, inaan la kulano oo aan kala hadalno howl galada socda waa wanaagsaneyd, waana is afgaranay”ayuu yiri Goodax.Xoogaga Ahlusuna ayaa ahaa awood milateri oo Al-Shabaab kula dagaalamay Gobolada Dhexe sanadihii u dambeeyay, waxaana jiray heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya, kaasoo aaqirkii keenay in xubno ka tirsan Ahlusuna jagooyin laga siiyo dowladda oo isugu jiray Wasiiro iyo saraakiil ciidan.Sanadkii hore ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa heshiis uu la soo saxiixday Ahlusuna, ayaa ciidamadii Ahlusuna ay ku soo biireen ciidamada dowladda, waxaana haatan ay ka howl galaan qeybta 21aad ee Gobolada

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!