Hishiis Uu saxiixay Madaxweyne farmaajo & Safarka oo soo dhamanaya…..

Read Time:46 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa uu safar aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku wehlinaya xubno ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo sidoo kale saraakiil ciidan, kuwaasi oo lagu soo dhoweeyey Nairobi.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka wadahadli doonaan arrimo quseeya xiriirka Labada dal.

Booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Kenya ayaa qaadan doonta Hal maalin sida uu shaaciyey agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Madaxweynaha ayaa saxiixyo sameeyay balse weli saxiixaas waxuu yahay lama ogaan.

Somaalida waxeey indhaha ku wada hayaan muranka bada kan xuduuda iyo ciidanka keenyaanka ah ee ku sugan Dulka soomaaliya.

Safarka madaxweeynaha ayaa la saa daalinayaa inuu wax badan ka badali doono xaalada siyaasadeed iyo xiriirka labada dal.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %