Shirkii Wadatashiga ahaa ee Maanta ka Furmi lahaa Kismaayo oo dib udhacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii Wadatashiga ahaa ee Maanta ka Furmi lahaa Kismaayo oo dib udhacay

Iyadoo shalay ay magaalada Kismaayo soo gaareen Wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul-goboleedyada dalka iyo Wufuud kale oo ka socotay Beesha Caalamka, isla markaana lagu Waday inuu maanta ka furmo Kismaayo Shirkii Wada-tashiga Madaxda dalka ayaa waxa la shaaciyay in shirkaas uu dib-u-dhac ku yimid. Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Max’uud, RW Somalia, iyo madaxda maamul-goboleedyada Somalia ayaa saaka waxay kulan qaatay saacado badan ku yeesheen hoolka shirarka ee xaruntii ay ka dhacday xafladda caleemosaarka, waxaana kulamadaasi si gaar ah ugu wada hadlayay madaxda maamullada ka jira dalka, iyadoo kulamadaasi ay goobjoog ka ahaayeen madaxweeynaha iyo raysul wasaaraha dalka, wallow saxaafaddu ay dibad-joog ka ahayd.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!