Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ? — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ?

Muqdisho ( Mareeg News ) Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka kala dhaxeysay.

Maamul goboleedyada ayaa qaadacay shirka Golaha Amniga Qaranka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isugu yeeray inay isugu yimaadaan 17-18 bishan, balse u baaqday diidmada maamul goboleedyada, waxaan Golaha iskaashiga Maamul goboleedyada bayaan ay soo saareen si buuxda ugu diideen in ay yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen  ee uu mar kasta Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyo fagaaraha ayaa xaalka sii fogeeyey meeshana ka saaray wada shaqeyntii Dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe.

DAAWO:- Sidee buu u dhacay weerarkii lagu qaaday ciidanka Talayaniga

Hase ahaatee waxay dad badan oo siyaasada is rogrogida badan ee uu dalka hore u soo maray goobjoog u ahaa ay qirayaan in dabeysha Baarlamaanka ka soo socota uu keeni karo in meel ku wareegto oo ah dhinac ku bixi karo, gaar ahaan Xukuumadda.

Culeyska Xukuumadda ka soo fuulay Baarlamaanka ayaa la dhici karta in Raisul wasaaraha uu meesha ka saaro Wasiirkiisa Amniga oo wasaaradiisa ay tahay mida loo godob yeelayo xaalada Amni darro ee carabka lagu adkeeyey, tani ayaa haddii ay dhacdo noqon karta mid uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu isku furto culeyskana ku dejiyo, iyadoo dhanka kale la filan karo in Madaxweyne Farmaajo si uu u soo dhoweysto Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada uu meesha ka saaro Ra’iisul Kheyre oo intii ay jirtay xukuumadiisa uu marba marka ka dambeyso uu sii xumaanayey xiriirka kala dhaxeeyo Maamul goboleedyada oo ay ku eedeeyaan inuu faragelin xooggan ku haayo Dowlad Goboleedyada nidaamka federaalka lagu soo dhisay.

DEG DEG :- Daawo Shil argagax leh oo ka dhacay muqdisho

Inkastoo dowladda Federaalka ay heshiis la gashay, isla markaana qancisay maamulka Hirshabeelle oo ka laabtay go’aankii Maamul goboleedyada xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, hadana xalka ayaa loo arkaa mid aan weli dhoweyn oo culeyska ka tan badan tahay qancinta iyo heshiiska lala galay Hirshabeelle.

Isku soo wada duuboo siyaasada dalka ayaa  iminka ah mid cakiran, iyadoo aan la saadaalin karin, sida hadda waxa u socdaan, marka loo eego guuxa Baarlamaanka ka jira, maamul goboleedyada xanaaqsan iyo xaalka Xukuumadda sida uu noqon karo, haddii kala taga siyaasadeed uu sii jiitamo.

Waxaa diyaariyay: Abdiaziz Hassan Mohamed (Golfyare)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!