Hir-Shabeelle oo muddo kororsi uga digtay Madaxda Dowladda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hir-Shabeelle oo muddo kororsi uga digtay Madaxda Dowladda

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Lix qodob kasoo saarey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi,sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan  Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa Warsaxaafadeedka ku cadeysay inay la socdaan dooda Xildhibaannada ee Sharciga doorashooyinka,isla markarkaana Hir-Shabeelle ay garwaaqsan tahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jilicsan oo kasoo kabanaya Colaad.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa looga codsaday saamileyda Siyaasada Soomaaliyeed ee xilal doonka ah inay horyimaadaan dadka ay matalaan una soo gudbiyaan fekerkooda si ay cod uga helaan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Maamulka Hir-Shabeelle.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!