Hindiya: Seynta wiil 13 jir ah oo noqotay mid la barakeysto!!!

Mareeg.com: Wiil yar oo 13 jir ah una dhashay dalka Hindiya, kuna dhashay seyn kaga taalla qeybta hoose ee dhabarkiisa ayaa noqday mid ay caabudaan dad badan oo ah Hinduus, waxaana gurigiisu isu badelay meel macbad ah oo laga raadasado caafimaad.

Sida ay qortay Daily Mail, dad heysta Hinduusiyada ee dalka Hindiya ayaa rumeysan in seynta oo qofku ku yeesho dabarka ay cadeyn u tahay in qofkaas yahay Ilaaha Daanyeerka, sida ay iyaga la tahay.

Wiilkan oo lagu magacaabo Arshiid Cali Khan ayaa la nool awoowihiis iyo ayeeyadiis iyadoo aabihiis horay u dhintay, hooyadiisan guursatay nin kale oo gurga sidaas uga tagtay.

Wiilkan yare e Arshiid Khan ayaa ku fakeraya in lagu sameeyo qalliin si looga jaro seyntaas, hase ahaatee dhaqaatiirta ayaa leh “Seyntiisu maaha hilib siyaado ah oo kaliya ee waa laf-dhabarka oo dheeraaday”.

Sidaas oo ay tahay mid ka mid ah dhaqtaradiisa ayaa sheegaya iney ku sameyn karaan qalliin looga jarayo seynta, hadii uu Khan sidaas doonayo.

Waxaa la yaab leh in dadka wiilkaan barakeysanaya aysan ka joogsan iney gurigiisa soo dhoobtaan inkastoo ay jiraan wararka sheegaya in laga jarayo seynta iyaga la ah wax macno weyn leh.

Awoowaha wiilkaan oo lagu magacaabo Iqbaal Quurishi ayaa isaguna rumeysan in seynta wiilkiisu tahay mucjiso gaar ah, wuxuuna sidoo kale leeyahay dad badan ayaa helay wixii ay ku haminayeen markii ay wilkaas u yimaadeen.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ay ku noolyihiin dadka aaminsan waxyaabo la yaab leh, iyagoo caabuda xayawaano iyo waxyaabo kale oo kala duwan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245