Hillary Clinton iyo Jeb Bush oo loo badinayo iney ku tartamaan doorashada 2016

Read Time:1 Minute, 13 Second

Mareeg.com: Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Florida Jeb Bush oo xisbgia Jamhuuriga ka tirsan ayaa ah labada loogu aqoonta badan yahay ee lagu wado inay ka mid noqdaan murashaxiiinta doorashada madaxtinimo ee sanadka dambe.

Labaduba waxay wataan magacyo aad loo yaqaan, lacag aad u badan oo ololahooda lagu galana way heli karaan, hase yeeshee labada waxa horyaalla loolan adag, waa haddii ay go’aansadaan inay tartanka qeyb ka noqdaan.

Hillary Clinton oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la filayaa in Xisbiga Dimoqraadiga ay noqon doonto musharax, waxaase jira muran badan oo la xiriira adeegsiga Email-keeda gaarka ah oo su’aalo badan dhaliyay, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Xisbiga Jamhuuriga ayaan weli go’aansan cida sida rasmiga ah ugu tartami doona doorashada, hase ahaatee Jeb Bush ayaa la aaminsan yahay in inta badan Xisbiga uu isku raacsan yahay, hadana kuwa muxaafidka ayaa qaba inay ka muhiimsan tahay in la helo waji cusub, maadaama magaca Bush uu aad ugu batay.

Magaca Bush wax alla wixii uu xambaarsan yahay, hadana Xisbiga Jamhuuriga ayaa door-bidaya Jeb Bush, waxaana mar uu hadlay uu sheegay inuu jecelyahay, walaalkiis, iyo aabihii Bush.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligan Barack Obama oo labo jeer tartamay, ayaa sida sharciga Mareykanka uu dhigayo aanu mar 3aad u tartami doonin xilka, waxaana uu ka degi doona xilka marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2017.

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %