Hiiraan: Nabadoon lagu dilay qarax miino

Mareeg.com: Wararka ka imaanayo Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in nabadoon caank ka ahgobalkaas lagu dilay qarax miino xilli gaari uu la socday uu marayay deegaanka Buurweyn ee gobalka Hiiraan.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Caalin, waxaana la geeriyooday darawalkii waday gaarigiisa, kadib markii miino ay haleeshay gaarigii labadooda ay saarnaayeen.

Nabadoonka dhintay oo la socday kolonyo gaadiid ah oo galbinaysay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa qaraxa miinada wuxuu ku haleelay deegaanka Buurweyn dhaawac soo gaaray nabadoonka kadib ayuu ugeeriyooday. Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka Nabadoonkaas, inkastoo aysan sheegan.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245