Warqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolk Hiiraan ayaa lagu sheegay in ay ogyihiin dhammaan laamaha amniga Soomaaliya, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana ku saxiixan gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.
Shaqo joojinta labadaan mas’uul ayaa waxaa lagu sababeeyey iney dhegaha ka fureysteen dalab uga yimid xafiiska Xeer Ilaaliyaha qaranka oo rabay iney hortagaan.
Warqadda gudoomiyaha ayaa agu sheegay in 10-kii bishii 1-aad ee sanadkaan 2015 uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka u jeediyay wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka in xafiiska la horkeeno Labadaan Mas’uul ee kala ah gudoomiyaha Baladweyne iyo gudoomiyaha Siyaasadda gobalka Hiiraan.
Sidoo kale warqadaan ayaa lagu xusay in 23-kii March 2015, wasaaradda arimaha gudaha fariin ay u dirtay Labadaan Mas’uul, islamarkaana si degdeg ah loogu jeediyay in ay hortagaan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee magaalada Muqdisho.
Gabagabadii qoraalkaan kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobalka ayaa lagu yiri “Markii aan aragnay warqadaha sumadoodu ku caddahay qoraalka, waxaan go’aaminay in shaqada ay ka fariistaan Labadaan mas’uul si KMG ah”.