Hey’adaha amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-shabaab April 25, 201 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hey’adaha amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-shabaab April 25, 201

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay  ka sameeyeen  degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri  Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in horjoogahan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka  iyo AMISOM.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.