Hey’ada NISA Oo Goob lama Filan ah Ka Qabatay  Sargaal Ka tirsan Al Shabaab.

Read Time:35 Second

Mogadishu ( Mareeg News ) Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay nin Al-Shabaab sahan u ahaa agagaarka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA, ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u tabinayay xogaha dhaq dhaqaaqyada ciidamada, si ay wadada ugu galaan.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay howlgalka lagu qabtay ninkaas aanay cidna wax ku noqon, isla markaana qabashadan qeyb ka tahay nabad ku soo dabaalida Caasimadda.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgalada gaarka ee ay ku qabtaan xubnaha Shabaab ku baahinayay barta Twitter-ka ay ku leeyihiin, iyadoo aanan laga bixin tafaasiil dheeraad ah iyo magacyada ragga la qabto.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %