Hey'ada Nabad Sugida Oo Hor istaagtay Siyaasi Abdirahman Abdishakur. Waa maxeey Sawabta — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hey’ada Nabad Sugida Oo Hor istaagtay Siyaasi Abdirahman Abdishakur. Waa maxeey Sawabta

Muqdisho (Mareeg News ) Hey’ada nabad sugida iyo sirdoo ka qaranka soomaliya ayaa hor istaag ku sameysay siyaasi Abdi rahman Abdi shakuur warsame oo Caawa Kulan Dood wadaag ah ku qaban lahaa hoteel saxaf ee magaalada muqdisho.

siyaasiga ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay warkaan waxuuna Hey’ada sirdoonka ku eedeeyay ineey howsheda howlaa aheeyn faraha kula jirto caburina ku heyso muwaadiniinta.

Siyaasi AA.Shakuur Warsame “Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.

Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.

Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka”

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!