Heshiiskii Maamulka Somalilan iyo shirda DPWorld oo fashilmay.. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Heshiiskii Maamulka Somalilan iyo shirda DPWorld oo fashilmay..

Wara la kasoonaan karo  ayaa sheegaya in uu fashil ku soo dhamaaday heshiis Maamulka Somaliland uu la galay Sharikadda Dubai Ports ee Dalka Imaaraatka taas oo dib u dhis iyo casriyey ku sameyn lahayd  Dekadda Magaalada Berbera kulana heshiisay Maamulka Somaliland.

Is afgaradka laba dhica ayaa horay u dhacay waxaana meel mariyay Golaha Wasiirrada iyo Wakiillada Maamulka Somaliland.

Xasaasiyad badan ayaa ka taagneyn is afgaradkaas oo sheegayay in 35%Dakhliga Dekadda ay qaadato Somaliland halka 65%siinayay Sharikadda Imaataariga ah ee DPWorld.

Fashilkan ayaa yimid ka dib markii Wafddi ka socday Somaliland ay Dubai u tageen dhameystirka is afgaradka loona beddelo heshiis dhameystiran,waxaana ka hor yimid caqabado ay ka mid yihiin Qof ay Sharikaddu ka dalbatay in uu ku jiro Wafddiga kana tirsanaa maamulka Siilaanyo laakiin shaqala laga fariisiyay,kaas oo lagu magacaabo Cali xoor-xoor.

Mas’uuliyiinta Sharikadda ayaa soo jeediyay in heshiiska ay galayaan kadib doorashad Somaliland ee bisha saddexaad ee Sanadka soo socda, lana galayaan Xukuumadda cusub ee ay yeelaneyso Somaliland maaddaama xukuumadda hadda jirta uu waqtigeeda dhamaaday.

Wafddigii ka socday Somaliland oo ay hoggaamineysay Wasiiradda Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan,ayaala filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!