Heshiis nabadeed oo la dhex dhigay beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Read Time:56 Second

Mareeg.com: Waxgarad ka kala socday beelo horay ugu dagaalamay deegaanada Deefoow,  Jeereey iyo Kabxanleey ee gobalkan Hiiraan ayaa shalay kulan dib u heshiisiin ah loogu qabtay magaalada Baledweyne.

Gogosha  kulanka waxaa si wadajir ah u soo qabab qaabiyay ugasyada labada dhinac Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooblle iyo Ugaas Gaarane Ugaas Aadan Ugaas Cusmaan iyadoo maamulka gobalka Hiiraan uu lahaa fududeeynta gogosha.

Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen odayaasha Labada dhinac waxaa si wada jir ah u muujiyeen in heshiis buuxa laga gaaray xiisadii u dhaxeeysay walaalaha wada daga Gobalka.

Waxaa goobta ka hadlay ugaasyadii soo qaban qaabiyay Kulanka ugaas C/raxmaan iyo ugaas Gaarane, sidoo kale waxaa halkaasi laga aqriyay Qodobadda labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Gudoomiyaha gobalkan Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo ugu dambeeytii soo gaba gabeeyay Kulankan dib u heshiisiineed ayaa uga mahad celiayay ugaasyada labada dhinac kaalinta ay ku lahaayeen heshiiska ay gaareen labada dhinac.

Labada beelood ee kulanka dib u heshiisiinta ah loo qabtay ayaa dhowr jeer ku dagaalamaya deegaanada kor ku xusan, waxaana labada dhinac iska dileen dad farabadan, halka lag gubay tuulooyin.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.