Heshiis lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka dhacay Garowe (Codad)

Read Time:1 Minute, 48 Second

Mareeg.com: Waxaa Maanta (5-8-2014) Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Hashiis kama Dambays ah ku kala saxiixday Masuuliyiinta Hay’adda UNOPS oo ah Hay’adda Mashaaraciida iyo Horamirinta u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Shirkada CCECC ee qaadatay Qandaraaska dhismaha dhabada diyaaradahu ka haadaan ee Magaaalada Boosaaso.

Xaflad Kooban oo ka dhacday Xafiiska madaxweynaha Dawladda Puntland ee xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen Hashiiskan waxana Goob joog ahaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Ku xigeenkisa Cabdixakiin Cabdulaahi Camay,Wasiiro iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Labada Dhinac ayaa waxaa Hashiiska ukala Saxiixay Mr Li oo ah Masuulka ugu sareeya Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC) iyo Eng.Bernardo Odhuno oo ka socday Hay’adda UNOPS oo madax ka ah Hirgalinta Mashruuca.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda iyo Shacabka Puntland ay farxad weyn u tahay Maanta in la saxiixo hashiiski kama dabaysta ah ee lagu dhisayo Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

‘’Umadda reer Puntland waxaan ugu bishaarayna in sanadkaan sanadkiisa ay heli doonaan Garoon diyaaradeed oo caalami ah oo diyaaraduhu si fiican uga dagaan,sidookale waxaan rajaynaya in garoomada kale ee Puntland iyana sida ugu dakhsiyaha badan u bilaabanayan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Bilowga horumarka Puntland weeye,waxaa naga go,an anaga in dadaal kasta aanu u samayno sid dadkaani ay u helaan Tasiilaad iyo imkaaniyad ay ku ganacsadaan,howl ku qabsadan wadankana u keenaan maalgalin u fududeeya horumarka ‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Shirkada Ku Guulaysatay Qandaraaska lagu dhisayo Dhabaha diyaaraduhu ka haadan ee Boosaaso CCECC ayaa dhawaan si rasmi ah ubilaabaysa howsha,waxaana ay hada dalka Jabuuti ka soo raratay qalabkii ay ku dhisi lahayd Garoonka.

Halkaan ka dhgeyso codka Eng.Bernardo oo ahaa wakiilka u saxiixay UNOPS

Halkaan ka dhgeyso codka Mr-LI-CCECC

Halkaan ka dhegyso codka madaxweynaha maamulka Puntland, Gaas

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.