Heshiis laga gaaray dagaalkii Guriceel iyo R/Wasaaraha oo ku wajahan Dhuusa Mareeb

Read Time:1 Minute, 7 Second

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in heshiis horu dhac ah laga gaaray colaadii degmada Guriceel, iyadoo lagu wado in maanta la soo bandhigo qodobadii lagu heshiiyay.
Sida ay sheegayaan wararka heshiiskan ayaa la filayaa in la dhameystiro, iyadoo laga yaabo in xubnaha Ahlusuna ee ku sugan Guriceel ay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maalmahan u joogay Guriceel xalinta dagaaladii dhowaan ka dhacay Guriceel, waxaana uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Ahlusuna iyo odayaasha deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jireen qodobo qaar oo heshiiska ku saabsanaa ay ka biya diideen dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalamay, inkastoo markii dambe dhinacyada qaar ay tanaasul sameeyeen.

Dhinaca kale Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa la filayaa inay booqasho ku tagaan degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Gobolada Dhexe.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahmiyad gaar ah siineysa shirkaas oo gogol xaar u ah shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dhowaan la filayo inuu ka dhaco degmada Cadaado.

Colaadii Guriceel iyo khilaafyada xaga siyaasada ayaa sabab u ahaa dib u dhaca ku yimid maamul u sameynta Gobolada Dhexe, iyadoo qorshuhu ahaa in shirka maamul u sameynta uu dhaco 1-dii bishan Maarso.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %