Heshiis horudhac ah oo laga gaaray xiisad ka jirtay Baladweyne-hiiraan

Read Time:50 Second

Nabadoon Max’ed Cabdi Max’ud Lixle Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Heshiis horudhac ah ay ka gaareen xiisad maalmihii dambe ka taagneed Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan taas oo la xiriirta dilka Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action loogu geystay Magaaladaasi.

Sidoo kale Nabadoon Lixle ayaa xusay in Maleeshiyo beeleed ay isku heyb yihiin ay xireen waddo Muhiim u ah Magaalada Baladweyne taas oo uu sheegay dib u furisteeda lagu guuleystay.

Max’ed Cabdi Max’ud ayaa ku nuux nuuxsaday in heshiiska horudhaca ah ee laga gaaray Xiisadda ka aloosneed Magaalada Baladweyne oo ka koobnaa 4 qodob ay ka mid tahay in aan la siyaasadeynin xaaladda miiska wadahadalkana wax weliba lagu dhameeyo.

Dhaq dhaqaaqyadii Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray kadib xiisad ka jirtay Magaaladaasi Baladweyne oo timid kadib dil  Magaalada loogu geystay Mahdi Xuseen Macow oo ka tirsanaa hay’adda Miino baarista qaramada Midoobay ee Main Action.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.