Hay’ado caalami: 3 Milyan Soomaali ah ayaa halis ugu jira gaajo haddii USA xirto xawaaladaha

Mareeg.com: Hay’ado ay ka mid yihiin Oxfam iyo Adeso ayaa warbixin ay soo saareen waxay uga digayaan in ilaa 3 malyan oo qof oo Soomaali ah oo ku tiirsan lacagaha loga soo xawilo dibadda ay khatar ugu jiraan gaajo, haddii la xiro marinnada ay lacagta ka helaan.

Digniinta ayaa imaanaysa laba todobaad ka dib markii Banki ku yaalla Maraykanka uu xiray adeegyadiisa, asagoo ka welwelsan in lacagta ay gacanta u gasho Al Shabaa.

Bangiga oo la yiraahdo Merchants ayaa waxa uu gacanta ku hayey xisaabaadka ku dhowaad boqolkiiba 80 xawilaadaha Soomaalida ee ka hawlgala Maraykanka.

Waxay sheegeen hay’adahu lacagaha sanad kasta loo diro Soomaaliya ay kor u dhaafeen gargaarka bani’aadminimo, gargaarka horumarinta iyo maalgashiga tooska ah ee dibadda oo la isu geeyey, waxayna noqdeen 25 – 45% waxsoosaarka dhaqale ee Soomaaliya.

Hay’aduhu waxay shegeen in loo baahan yahay in dawladdu ay si dhaqsiyo leh uga dhabayso ballanqaadeedi ahaa in lacagahaas aan la xannibin.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245