Hay'adda NISA oo soo bandhigtay Nin ka dambeeyey qarixii shalay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hay’adda NISA oo soo bandhigtay Nin ka dambeeyey qarixii shalay

Ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay Nin lagu Magacaabo Xudeyfe oo shalay walxaha qarxa ku xiray gaari yaalay Isgoyska 14-October Ex, Soobe ee magaalada Muqdisho.

Barta Tuweeterka ee hay’ada nabad sugida Soomaaliyeed ee Nissa ayaa lagu shaaciyay magaca Ninkaas  oo ah Xudeyfe Daa’uud Yuusuf, iyo muuqaal uu kaga hadlayo qaabkii uu gaariga ugu xiray qaraxa iyo qaabkii loo soo qabtay.

Ninkaan ayaa Ciidamada Booliska ay qabteen daqiiqado ka dib markii uu qarxay, gaari nuuca raaxada ah oo uu qarax kula xiray aga-gaarka Isgoyska 14-ka October Ex, Soobe.

Dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin shaqsiga lahaa Gaariga qaraxa lagu xiray qaraxa uu gebi ahaan burburay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!