Hay’adda NISA oo fashilisay Qaraxyo lagu Dhibaateyn Rabay Bulshada Soomaaliyeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hay’adda NISA oo fashilisay Qaraxyo lagu Dhibaateyn Rabay Bulshada Soomaaliyeed

Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa saakay FashiliSay qaraxyo Argagixisadu ay damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidanka NISA oo ah kuwo u diyaarsan markaste ka hortagga falalka ay maleegayaan Argagixisada ayaa lagu soo war geliyay in gaari nuuciisu yahay kaarib yaallo Ex Madaxtooyadii Hore ee Cabdiqaasim Degmada Hodan kaas oo lagu xiray Walxaha qarxa, iyagoo durbadiiba gaarigaas ka fur-furay Qaraxyadii ku xirnaa.

Dadkii Shacabka ahaa ee ka ag dhawaa goobta gaariga Walxaha qarxa uu ku xiranyahay ayaa Ciidamadu waxa ay ku Amreen in ay dibadda u baxaan si dhibaato u soo gaarin.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaarigaan la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo laakiin xogta Shacabka lagu ogaaday Arrintaan.

“Gaarigaan waxaa saarnaa dhexdiisa Shidaal Rasaas, bambaanooyin iyo gumacyo rasaas ah ciidamada Qaranka NISA ayaana si geesinimo leh uga hortagay” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale ciidamada ayaa fashiliyey qarax kale oo lagu soo xiray gaariga uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo marayey nawaaxiga wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay miinada ka furaan, iyadoo muwaadinkii gaarigiisa qaraxa loogu xiray uu ciidamada amniga uga mahadceliyay qaraxa ay ka badbaadiyeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.