Hay’adda ICRC oo sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda lagu dilay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hay’adda ICRC oo sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda lagu dilay Muqdisho

Hay’adda ICRC ayaa shaaciyay in mid ka mid ah Shaqaalaheeda lagu dilay Qarax Shalay ka dhacay bartamaha Magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay ICRC ayaa lagu xusay in C/xafiid Yuusuf Ibraahim uu u geriyoodau dhaawac ka soo gaaray waxaayabo qarxa oo lagu xiray gaarigiisa, kaasi oo ku qarxay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalka sidoo kale lagu xusay in marxuumka uu ka soo baxay Xafiiska shaqada ee Hay’adda ICRC, wax yar un kadib qarxaasi.

“Waxaan aad uga xunnahay qaraxii lagu dilay marxuum Ibraahim oo ka mid ahaa Shaqaalaheenna”, sidaasi ayaa lagu yiri warkii ka soo baxay Hay’adda ICRC.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo xusid mudan in weeraradaasi qaarkood ay sheegteen Xoogaga Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More