Hayadda Diyanet Ee Turkiga Oo Taageereysa Wasaaradda Arrimaha Diinta Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hayadda Diyanet Ee Turkiga Oo Taageereysa Wasaaradda Arrimaha Diinta Soomaaliya

Ankara – Mareeg.com: Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa iyo madaxa hay’adda ugu sareysa xaga diinta dalka Turkiga Diyanet, Mehmet Gormez ayaa ku kulmay Turkiga, iyagoo ka wada hadlay arrimo hay’adaas ku taageereyso dowladda Soomaaliya.

Kulankan oo u jeedadiisu aheyd dardargelinta iyo adkeynta xiriirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda ugu sareysa Diinta dalka Turkiga ayaa waxa uu dhexmaray Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Madaxa Hay’adda Dayanet, Mehmet Gormez ayadoo labada mas’uulna ay ka wada hadleen sida xiriirkaasi iyo wada shaqeynta loo hormarin karo.

Labada dhinac ayaa qaatay wadahal qaatay muddo saacad ah, waxaana la isku afgartay qodobada kala ah:

1- In Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya wafdi sare oo uu hogaaminayo ay booqasho ku tagaan dalka Turkiga.

2- In tababar loo fidiyo dhammaanba howlwadeennada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya si laamaha kala duwan ee Wasaaraddu ay u noqdaan kuwo hormarsan.

3- In Hay’adda ugu sareysa xaga Diinta dowladda Turkiga ee Diyanet ay ka taageerto Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hormarinta iyo casriyeynta howlaha Wasaaradda.

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya dalka Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in qodobadii lagu ballamay hirgelintooda ay u xilsaarantahay Safaaradda islamarkaana arrimahan lasii ambaqaadi doono marka Wafdiga Ra’isulwasaare ku xigeenka hogaaminayo ay tagaan dalkaasi Turkiga.

Hay’addan Diyanet ayaa iminka howlo ka qabata caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo raageero u fidisa qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha ee abrta diinta Islaamka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!