Hayada Nabad Sugida oo soo bandhigtay hub, gaadiid & dhalinayo farabadan (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 9 Second

Mareeg.com: Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo maanta baaritaano ka sameeyey degmooyinka Hodon, Wardhiigley iyo Yaakhshiid ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ilaa 22 ka mid ah Alshabaab iyo 5 gaari oo ay leeyihiin iyo hub fara badan.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay 30 qori, bambooyin, rasaas, daawooyin iyo shan gaari oo uu sheegay in  Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay falalka ka soo horjeeda ammaanka.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay dowladda la wareegtay afar guri iyo labo garaash oo uu sheegay in lagu diyaarinayay qaraxyo.

“Howlgalladii ugu dambeyay waxaa lagu soo qabtay 82 qof, baaritaanno dheer kaddib waxaa la ogaaday in 22 ka mid ah ay noqdeen horjoogayaal la yaqaano oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan gaadiid oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka magaalada fowdada mararka qaar ka geysanayay” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Xaafadaha Degmada Hodan ee howlgalkii laga fuliyay waxaa lagu soo qabtay waxyaabaha maandooriya, sida qamriga la mac-malay ee loo yaqaan Calaqa, xashiis iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana dhismayaashii lagu gadayay waxyaabaha maanka dooriyay la wareegay ciidamada hay’adda Nabad sugidda ah.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in lasoo afjaray wajiga 1-aad ee howlgalka lagu baarayo xaafadaha magaalada Muqdisho, sidoo kalana uu isla maanta bilwoday wajiga 2-aad.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %