Haweenka Puntland Oo Raba Iney 16 Kursi Ka Helaan Golaha Wakiilada Cusub

Read Time:1 Minute, 7 Second

Garowe – (Mareeg.com): Haweenka Puntland ayaa soo saaray bayaan ku aadan ka qeyb galka haweenka ee dhanka siyaasadda Puntland, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe, ayna ka soo qeyb galeen ururada bulshada rayidka ah.

Baaqaan oo ciwaan looga dhigay “Ka Qeyb-galka Masraxa Siyaasadeed Ee Haweenka Puntland” ayaa waxaa soo saaray haween la magac baxay “Dhaq dhaqaaqa Haweenka Talo Wadaag” iyagoo uga hadlay yoolka siyaasadeed ee haweenka Puntland.

Talooyinkii ay soo jeediyeen haweenku ayaa dhammaantood ku qotomay in haweenka lagu tixgeliyo ka qeybgalka siyaasadda, waxayna u qornaayeen sidan.

1- In xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan ee laga soo xulayo gobollada haweenka laga siiyo ugu yaraan 16 xubnood.

2- In haweenka lagu daro guddiga xallinta khilaafaadka lagana siiyo 30% ugu yaraan.

3- In golaha xukuumadda Puntland haweenka laga siiyo ugu yaraan 30%.

4- In dastuurka Puntland lagu sameeyo dib u eegid, laguna caddeeyo qoondada haweenka ugu yaraan 30%

Intaas ka dib ayaa haweenku waxay ku baaqeen in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee deegaannada Puntland, si ay u dhacdo doorasho xalaal ah oo ka qabsoonta Puntland.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli muddo laba bilood ah ay ka dhimantahay waqtigii doorashada madaxweynaha Puntland.

Labo maalmood ka hor ayaa la kala diray baarlamaanka Puntland, waxaana hadda socda soo xulidda xildhibaanada cusub oo duubabka dhaqanku soo xulayaan.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %