Fal ku cusub soomaalida:haweenka Nadaafada G/Banaadir qaarkood (Sawirro)

Read Time:32 Second

Haween ka shaqeynayay Nadaafada degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu buufiyay wax loo maleynayo Sun.

Weerarkan ayaa waxaa geystay rag watay Gaari noociisu ahaa Noah oo aan taargo laheyn kaasoo goobta ka baxsaday.

Haweenka la sumeeyey oo tiradooda gaareyso sagaal ayaa afar ka mid ah waxaa la soo sheegayaa in xaaladoodu aad u liidato, jirkooduna uu isbadalay waxaana loo qaaday Isbitalka Erdogan Ex-Digfeer.

Masuuliyiinta Maamulka degmada C/casiis ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi, iyagoo dhanka kale sheegay inay ku raad joogaan kooxihii dambeeyay falkan.

Dhaqaatiirta isbitaalada la geeyey haweenkan ayaa baaraya nooca ay tahay suntan lagu buufiyey haweenkan, waana falkii ugu horeeyey noociisa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %