Haweenka Kismaayo oo debadbax uga soo horjeestay dilalka qorsheysan

Kismaayo – Mareeg.com: Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose la dhacay debadbax lagu dalbanayey in la joojiyo dilalka qarsoodiga ah ee soo soo noqnoqda.

Kismaayo 1111111

Boqolaal ruux oo isugu jiray haween iyo dhallinyaro ayaa socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka Kismaayo iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan nabadda islamarkaana ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon ee bilihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay “Dooni meyno nabad diid”, doono meyno dilal qarsoon” iyo erayo kale oo ka dhan ah dilalka faraha badan ee ee dhawaanahan aka dhacayey magaalada.

Sidoo kale, dadka debadbaxayey ayaa sitay boorar ay qoran yihiin “Qabyaaladeynta diida, Qroga dhiga, Qalinka qaata, Qaranka taaga, Tubta toosan raaca”.

Ka qeybgalayaasha debadbaxa ayaa ayaa isugu tagay faagaraha weyn ee kasoo horjeeda shirkadda Olombik ee magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Jubooyinka, Batraan Muxumed Cabduule ayaa debadbaxayaasha kula hadashay goob fagaare ah, waxeyna sheegtay in dibadbaxani uu yahay mid ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon, ayna ku taagerayaan nabad dhalata.

“Kooxaha isqarinaya ee dadka leeynaya waan cambaareeyneynaa, waxay doonayaan in ay iska horkeenaan beelo walaalo ah, ma dooneeyno dagaal iyo xabad, waxaan rabnaa nabad,” ayay tiri Batraan.

Kismaayo ayaa noqotay magaalo uu si joogto ah ugu daato dhiiga dadka, iyadoo dilalkaas lagu tuhamayo kooxo kala duwan oo is qarinaya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245