Haweeneydii saddexaad oo muddo 3 maalmod ah lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa manta haweeney ku dilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, taasoo kamid aheyd dadka deegaanka.

Waxaa magaceeda lagu sheegay Haweenaydaasi Shamso Warsame, waxaana ay aheyd haweenay da’ ah oo ugu yaraan ifka kaga tagtay 8-caruur ah oo ubadan ilmo waaweyn.

Raga hubaysan ayaa haweenayda waxa ay ku dileen Xaafada Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Milateriga, xilli ay ku sugneyd miisyar oo ay ku iibin jirtay Khudaarta Adeega Xaafadaha.

Kooxaha falka dilka ah geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo aysan suuragelin in ciidamada ammaanka Degmada Heliwaa ay soo qabtaan ragaasi, Manaxayaasha ah ee dilay Haweenayda.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxo Bistoolado ku hubeesan in ay toogteen Haweeney qudaarta ka ganacsan jirtay oo lagu Magacaabo Shamso Warsame , waxaana goobta ka baxsay kooxihii dilka geestay.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa sidii caadada aheed gaaray halka uu dilku ka dhacay , waxa ayna halkaasi Ciidamadu kasameeyeen howlgalo aan natiijo wali kasoo bixin.

Lama oga ilaa hada sababta ka dabeysa dilka loo geestay Haweeneydan Qudaarta ka ganacsan jirtay , waxa uuna dilkan imaanayaa xili Xaafada Suuqa Xoolaha maalinimadii shalay Meydkeeda lasoo dhigay Haweeney iyana dadka deegaanka kamid aheed.

Labo habeen ka hore waxaa sidaan oo kale koox hubeysan Xaafada Suuqbacaad ku dileen qof dumar ah, halka deegaanka Madiina uu askari ku dilay xaaskiisa oo u laheyd 6 carruur ah.

Dilalka muddo 3 maalmood ah loo geystay dumarka ayaa garaya ilaa 3, waxaana deegaanka Suuqa Xoolaha ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu dilo dumarka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245