Haweeney maalmo la raadinayey oo meydkeeda laga helay magaalada Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haweeney maalmo la raadinayey oo meydkeeda laga helay magaalada Hargeysa

Hargeysa– Mareeg.com: Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay fal laga naxay, kaasoo ah in haweeney muddo la raadinayey oo qoyskeeda ka maqneyd meydkeedfa laga helay guri ku yaalla New Hargeysa ee degmada Gacan Libaax.

Maydka marxuumadda oo muddo todobaad ka badan nolol lagu raadinayay ayaa markii la helay la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah ehelada Marxuumada ayaa sheegay in maydkeeda laga helay Xaafad ku taala New Hargysa, halkaas oo ay hawl u tagtay.

Maydka Marxuumadda ayaa la sheegay in laga soo saaray meel god ah loo qoday, waxaanay noqonaysaa dhacdo ugub ku ah dalkani Jamhuuriyada Somaliland.

Booliska Somaliladn ayaa xiray lix qof oo ka tirsan hal qoys, kaddib markii gurrigooda laga helay meydka haweeney muddo la la’aa.

Taliyaha booliska Somaliland, Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay ciidanka booliska raadinayeen Ruqiya Siciid Ayaanle tan iyo February 24, xilligaas oo ehelkeeda ay booliska ku wargeliyeen in la waayay haweeneyda.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay gacanta ku hayaan lix qof oo ay la xiriirinayaan dilka marxuumadda, kuwaas oo ay tuhun u qabteen ka hor inta aan la helin meydka.

Meydka Ruqiya ayaa ku aasnaa afaafka hore ee guri ay leeyihiin dadka la tuhmay, kuwaasoo haweeney iyaga ka mid ah ay ayuuto kula jirtay haweeneyda geeriyootay.

Dhowaan ayuu sheegay in eedeysaneyaasha loo gudbin doono maxkamad, si ay u qaaddo dacwada loo haysto.

Falkaan ayaa naxdin ku noqday dadka ku nool Hargeysa, iyadoo falkaas oo kale dhamaadkii sanadkii tegay laga ogaaday magaalada Boosaaso, oyadoo guri laga saaray meydka nin la dilay 8 bilood ka hor.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!