
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa meel ku dhaw xarunta Degmada Dayniile waxa uu ku dilay Hani Ismaaciil Yuubane oo ah hooyo heesatay labo caruur ah sidoo kale laheyd Uur Dhoor bilood ah.
Hooyadan oo da’deeda lagu sheegay 20-sano ayaa xiliga la dilayay la socotay gabar ay saaxiibo ahaayeen, waxaana xabad ku dhuftay askari katirsan ciidanka dowlada oo soo gaaray goob xiligaasi buuq uu ka jiray.
Askariga dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana ehelka gabadhan xaqdarada lagu dilay ka codsadeen dowlada Soomaaliya in ay soo qabato gacan ku dhiiglaha ayna horgeeso cadaalada.
Ciidamada Booliska degmada Deyniile ayaa waxaa ay ku raad joogaan askariga haweeneyda xalay ku diley degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir.