Haweeney si weyn loo raadinayo oo khiyaantay booliska Kenya

Nairobi – Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa baaraysa warar soo baxay oo sheegaya in gabar ka mid ah dadka sida weyn loo doondoonaya oo looga shakisan yahay argegixisinimo lagu arkay magaalada Lamu bishii April ee sanadkan.

Gabadhan oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo loo yeqaano gabadhii garoobka ee caddaanka ahayd ayaa laga cabsi qabaa inay ahayd gabar boliiska Kenya ay geeyeen xadka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gabar sheegtay inay la shaqeyso Qaramada Midoobay ay boliisku geeyeen xadka balse shaqaalaha waaxda socdaalka ay diideen inay xadka ka talaabto oo ay gaarto xero militari oo ay Kenyaanku leeyihiin.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in gaariga ay gabadhan adeegsatay uu yahay isla midka loo adeegsaday in lagu weeraro militeriga Kenya labo toddobaad ka hor, halkaas oo lagu dilay labo askeri.

Afhayeen u hadlay militariga Kenya ayaa sheegay in dowladda ay baarayso in gabadhaas ay ahayd Samantha Lewthwaite iyo in kale.

Samantha Lewthwaite ayaa dhawaan warbaahinta Britain waxey sheegtay iney Soomaaliya ku guursatay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, waxaase hadda shaki ka jira halka ay ku sugan tahay.

Haweeneydan ayaa loo heystaa iney ku lug laheyd weerro badan oo dhacay sida weerarkii bishii September 2013 Alshabaab ku qaadeen xarrunta ganacasiga Westgate ee Nairobi.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245