Haweeney ku sawiran lacagta Somalia oo geeriyootay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haweeney ku sawiran lacagta Somalia oo geeriyootay

Mareeg.com: Waxaa xalay Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Xaawo Nuur Hiraabe oo ka mid aheyd labadii haween ee ku sawirnaa lacagta Kunka shiling ee hadda la isticmaalo.

Haweeneydan ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer hore Isbitaalo kala duwan la geeyay.

Mid ka mid ah ehelada Xaawo ayaa saaka u xaqiijiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in xalay ay ku geeriyootay Isbitaalka Keysaney, kadib xanuuno in muddo ah hayay.

Waxaa uu sheegay in haweeneydan ay baal dahab ah kaga taalay qaranka, balse aan la abaal marin, isla markaana ay dowladda ku dhaliilayaan inay wax u qaban weysay mudadii ay xanuunsaneyd.

Xaawo Nuur Hiraabe oo da’deeda aheyd 84-sano jir ayaa saddex caruur oo labo ka mid ah ay ahaayeen ragg ku weysay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay bur burkii dowladdii dhexe kadib.

Haweeneyday 2-aad ee Xaawa kula sawiran kunka shilin Soomaaliga ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay muddo sanad ka hor ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More