Haweeney 92-sano jir ah oo dishay Wiilkeeda iyo sabab yaab leh oo ka dambeysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haweeney 92-sano jir ah oo dishay Wiilkeeda iyo sabab yaab leh oo ka dambeysay

Muqdisho( Mareeg News ) Dalka Mareykanka  waxaa maalin kahor ka dhacday dil argagax iyo layaab ku abuuray dad badan , kadib markii haweeney 92-sano jir ah toogasho ku dishay wiil ay dhashay oo isna 72-sano jir ahaa.

 

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay Anna Mae Blessing oo 92-sano jir ah ay dil bareer ah u geesatay wiilkeeda kadib markii ay ka cabsatay in uu guriga ka saaro uuna geeyo xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelada ah.

Haweeneydan ayaa guri kuyaala gobolka Arizona kula nooleed Wiilkeeda ay dishay iyo haweeney saaxiib la aheyd wiilkeeda, waxa ayna ka walaacsaneyd islaantan in guriga uu ka saaro wiilkeeda.

” Nafeeda ayaad damacday in aad qaado ana taada ayaan qaaday ” ayey tiri Anna Mae Blessing xili ciidano katirsan booliiska ay ka wadayeen guriga ay dilka ugu geesatay wiilkeeda.

Dhacdadan ka dhacday dalka Mareykanka ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna arintan muujineysaa sida waayeelo badan oo kunool dalkaasi aysan u jecleyn in la geeyo goobaha lagu xanaaneeyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!