Haween lagu xasuuqay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haween lagu xasuuqay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ilaa 7 haween ah siyaabo kala duwan xalay ilaa maanta loogu dilay banaanka iyo gudaha degmada.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow, Maxamed Cadale Xasan ayaa sheegay in labo ka mid ah haweenka oo ka tirsanaa ciidamada booliska ay banaan degmada ku gowraceen Al-Shabaab.

“Falkan xalay saqdii dhexe ayuu dhacay labo haween ka tirsan ciidamada booliska ayaa waxaa meel koonaha magaalada ka watay Al-Shabaab, waana gowraceen” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Sidoo kale Gudoomiyuhu ayaa sheegay in 5 kale oo haween ah uu rasaas ku furay nin askari ahaa oo qabay mid ka mid ah 2-dii haween ee la gowracay, waxaana uu xusay inay baaritaano wadaan.

“5 haween kale waxaa baas ku furay mid ka mid ah askarta oo qabay mid ka mid ah labadii gabdhood ee la gowracay, baaritaan ayaana wadnaa”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow.

Askariga ayaa la sheegay inuu 5-ta haweenka ah u dilay qaab aargoos ah, waxaana askarigaas xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Falalkaan ayaa noqday kuwa ay aad ula yaabeen dadkadegmada Tayeeglow oo ay maamulaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!