Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo taageeray Xukuumada cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo taageeray Xukuumada cusub

Munaasabad lagu taageerayay Xukuumada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ay ka qeyb galeen haween ka socday 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Haweenkan ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumada cusub, isla markaana sheegay inay tahay xukuumad tayo wanaagsan.

Xaliimo Cali Yuusuf oo ka mid ah haweenkii kulanka soo qaban qaabiyay ayaa sheegtay in isu imaantinkooda uu yahay inay taageero u muujiyaan Xukuumada cusub, waxaana ay ku tilmaamtay Wasiirada cusub inay yihiin kuwo ka soo dhalaali karo howlaha loo igmaday.

Sidoo kale waxaa ay ku amaantay Madaxda dowladda sida ay u soo xuleen wasiirada, waxaana ay si gaar u xustay in taageersan yihiin qoondada haweenka Soomaaliyeed ka heleen Golaha Wasiirada.

Waxaa kaloo munaasabada ka hadashay Siraad Xasan Maxamed oo ugu baaqday Baarlamaanka inay meel mariyaan Xukuumada cusub, waxaana ay cadeysay in haweenka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhisay Xukuumadda cusub 17-kii bishan ayaa waxaa isa soo taraya taageerada dal iyo dibadba loo hayo Golaha wasiirada cusub.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!