Hargeysa: Wadahadl dhexmaray Safiirka Turkiga ee Soomaliya iyo Siilaanyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hargeysa: Wadahadl dhexmaray Safiirka Turkiga ee Soomaliya iyo Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Olgan Bekar.

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in qodobada ay kala hadleen Weftiga Turkiga ah ay ugu muhiimsanaayeen dardar galinta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia ee Turkigu marti galiyay, kuwaasi oo uu sheegay inay hadda cagta jiidayaan.

Waxa uu sheegay in Somaliland mudo dheer sugaysay Soomaaliya oo dhibaatooyin ka jiraan balse hadda ay diyaar u tahay inay si siman u kala baxaan labada dhinac sida uu yir.

“Waxaanu kala hadalay inaanu Safaaraddayadii ka furano Turkiga, arintaas oo aanu Ra’isal wasaaraha haddana ah Madaxweynaha Turkiga kula soo heshiinay, waxaanu isku Ogayn in labada dalba Xafiisyo furtaan, markaa koodii waanu u furnay laakiin kaayagii wali lagama furin Turkiga waanuse Magacawnay” ayuu yiri wasiir Biiixi.

“Madaxweynaha hadda ee markaasna ahaa Ra’isal wasaaruha ahaa waxaanu ku heshiinay in Somaliland iyo Soomaaliya si siman wax loo siiyo, waanu ku faraxsanay waxa la siiyay Xamar laakiin, waxaanu doonaynaa in si siman wax naloo wada siiyo. Somaliland iyo Turkigu aad buu u qoto dheer yahay Xidhiidhkoodu oo cilaaqaad fiican oo aanay Africa la lahayn ayaa ka dhexeeya” ayuu sidoo kale Wasiirku.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!