Siilaanyo oo ceyriyey gudoomiyihii Maxakamadda Sare * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siilaanyo oo ceyriyey gudoomiyihii Maxakamadda Sare

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxakamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali. Madaxweynaha ayaa ku sababeeyay XIlka qaadistiisa cabasho bulshadu ka muujiyay hanaanka garsoorka iyo in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo Nidaamka Caddaaladda.

WAR-SAXAAFADEED

Taariikhda: – 18/04/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!