Categories
Af Soomaali

Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Fasaxay Muddo Todobaad Ah Oo Lagu Xallinayo Khilaafka

Hargeysa – Mareeg.com: Golaha Guurtida Somaliland iyo AKaadamiyda Nabada ayaa isu taagay dedaal lagu qaboojinayo khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan gudoonka golaha wakiillada Somaliland, iyadoo xildhibaanadu la kala safteen gudoomiye C/raxmaan Cirro baarlamaanka iyo ku xigeenkiida 1-aad Baashe Maxamed Faarax oo si weyn isu khilaafay.

Xubno gudi dhexdhexaadin ah oo ka tirsan Golaha Guurtida maamulka Somaliland oo uu horkacaayo Xaaji Cabdi kariim Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Gudoomiyaha AKaadamiyda Nabada ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax ayaa kadib kulamo gooni gooni ah oo ay layeesheen darafyadii maalmihii u danbeeyey hirdanka adag uga dhexsocoday Golaha Wakiilada, ayaa waxaa ay ka codsadeen Golaha in mudo 7 cisha ah ay fasax galaan, si ay dhexdhexaadin ay uga sameeyaan labada dhinac.

Fadhigii maanta oo uu gudoominayey gudoomiye cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa golaha ku wargaliyey inay golaha la joogaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka tirsan Akaddamiga nabadda iyo Xaaji Cabdi waraabe oo ka mid ah aqalka odayaasha, kuwaas oo ka mid ah dadweynaha sida weyn loo ixtiraamo, waxaana halkaasi ka hadlay xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo golaha ka codsaday in toddobaad fasax ah la galo, isla markaana dib la iskugu keeni doono gudoomiyaha iyo labadda gudoomiye ku xigeen ee golaha oo salka u ah khilaafka golaha ka jira.

“Waxa aanu garanay in saddexdaas nin ee walaalo ah (shirgudoonka golaha) aanu codsi u gudbino, wayna naga aqbaleen, si aynu dhamayno wixii khilaaf ah, Goluhuna uu todoba cisho oo fasax ah galo”ayuu yidhi Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe.

Xildhibaanaddii golaha fadhiyey ayaa si weyn usoo dhoweeyey soojeedinta odayaasha, isla markaana ka aqbalay sidaasna ayuu gudoomiye cirro fadhigi ku soo xidhay.

Haseyeeshee arrintaasi waxaan raali ka noqon gudoomiye ku xigeenka golaha Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in aanay isku ogeyn gudoomiyaha in odayaashu yimaadaan balse la isku ogaa in mooshinkii halkiisii laga sii waddo.

“Anagu dee balan ayaanu lahayn, waxa aan u tagay guddoomiyaha golaha wakiilada oo aan ku idhi waa in golaha wakiilada la soo hordhigaa mooshinadii, sidii ayaanu isku ogayn, laakiin arrintan Golaha Guurtida maanaan ogayn, mana ogolin”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo horkacaya 55 xildhibaan ee mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha watay, waxaanu intaas ku daray “Arrintaasi Golaha ayay u taala, hadii ay yeelayaan iyo hadii kaleba, waanan ka tashan doonaa”

Ka hor inta aan odayaashani damin khilaafka ayaa waxa madasha ka jiray buuq iyo sawaxan iyo inay laba xildhibaanba gaarkoodda u faqaan, waxaana jawiga golaha laga darameeyey xiisada kacsanaa ee golaha ka jiray.

Khilaafka u dhaxeeya gudoonka baarlamaanka Somaliland ayaa ka dhashay wax ka badel la doonayo in lagu sameeyo qodobo ka mid ah xeer hoosaadka, iyadoo labada mas’uul ay la kala safteen xildhibaano badan.

Mareeg.com

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245