Mareeg.com: Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa maanta sheegay in Xafiiskiisu ku guuleystay inuu Bankiga Dhexe usoo wareejiyo inta badan Akoonadii Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Bankiyada gaarka loo leeyahay.
Hanti dhowraha Qaranka oo ka hadlay guulaha xafiiskiisu gaaray sanadkii tegay ee 2014 ayaa sababta sidaas loo yeelay ku micneeyey sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqyada Akoonada wasaaradaha dowladda Soomaaliya.
“Aannaga ka Hanti Dhowr ahaan waxaan awood u leenahay inaan la socono dhaqdhaqaaqa Akoonada ka furan Bankiga Dhexe, marka habkaasi wax badan ayuu soo kordhiyey oo waxaan haataan la soconaa Miisaaniyadda dowladda” ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.
Wuxuu sidoo kale Hanti Dhowraha Guud sheegay iney ku guuleysteen soo wareejinta 90% Akoonada dowladda Soomaaliya “Waxaan kaloo ku guuleysanay Akoonada Xawaaladaha ka furnaan jiray laga soo xiro oo loo soo wareejiyo Bankiga Dhexe, si loola socodo dhaqdhaqaa Akoonada wasaaradaha dowladda”.
Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka ayaa wado dadaalo kala duwan oo lagula xisaabtamaayo Wasaarada Xukuumadda oo qaarkood lagu eedeeyay musuq. Xafiiskan ayaa horay u sheegay in musuq lagu helay ilaa 19 wasaaradood.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.