Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo sheegay inay wax badan ka qabteen arrimaha musuqa — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo sheegay inay wax badan ka qabteen arrimaha musuqa

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo xilka haya muddo sanad ah ayaa sheegay in wax badan ka qabteen arrimaha musuq maasuq, kaddib khudbad uu ka jeediyay kulanka sanadlaha ee Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo maana ka dhacay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan sida Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulanka

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa ugu horeyn soo bandhigay qorshaha ay ku shaqeyn doonaan 3-da sano ee soo socota iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii sanadka ee uu xafiiska joogay.

Waxaa uu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu hirgeliyay nidaam cusub oo fududeeyay in lala xisaabtamo hey’ado waa weyn oo ka tirsan dowladda, sida Talisyada Nabadsugida iyo xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Mas’uuliyadda Xafiiskan saaran waxa ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Soomaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneyno, waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, 1- Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, 2-Dib u eegista Hey’adaha qaran waajibaadka loo igmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Saddexaad oo ah Baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noo soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo aan u saxno sidii loogu talagalay”ayuu yiri Maxamed Cali Afgooye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sanadkan ay ku guuleysteen inay ku guuleysteen qorshaha isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga, ayna baaris iyo dabagal buuxa ku sameeyeen hey’adaha rayidka iyo kuwa ciidanka, taasoo uu tilmaamay inay fududeysay in la saxo nidaamka maaliyadda iyo dakhli uruurinta.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulanka ayaa boggaadiyay howlaha muhiimka ee Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka, isagoo ku booriyay in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dowladda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!