Halkee noqon doonta xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya?

Guddiga farsamada ee maamul u sameeynta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya  ayaa shaaciyay in degmada Baraawe ay tahay caasimada maamulka Koofur Galbeed.

Afhayeenka guddiga farsamada maamulka saddexda gobol Siyaad Shiikh Daahir ayaa sheegay in ergooyinka dhismaha maamulka iyo guddiga farsamada ay isku raaceen in xarunta maamulka ay noqoto magaalada dekadda leh ee Baraawe oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose.

Magaalada Baydhabo iyo Baraawe ayaa maanta laga taagay calanka uu yeelanayo maamulka saddexda gobol ee Bay,Bakool iyo Sh/hoose.

Lama oga sababta keentay in degmada Baraawe loogu aqoonsado inay noqoto caasimad maamul goboleedka iyadoo la ogyahay in magaalooyinka Baydhabo,Marka iyo Xudur ay yihiin magaalo madaxyada saddexda gobol ee Bay,Sh/hoose iyo Bakool.

Degmada Barawe ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowlada la wareegeen, waxayna u ahayd xarun ururka Alshabaab iyadoo halkaa weerar ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ku soo qaadeen intii ay haysteen ururka Alshabaab,

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245