Mareeg Media
Somalia

Halkee ayuu maraa Khilaafka GALMUDUG?

36

Weli waxaa jira khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Magalada dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo hawada isku marsiinaya hadalo khilaafka sii xoojiyey.

Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah,isla mrakaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkaan doorasho la qabanayo.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in Galmudug aysan u baahneyn faragelin,isla markaana Dastuurkeeda ay u madax banaan tahay iyo xilliga ay dhaceysa doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka isaga oo ka jawaabayay hadalkii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in deegaanada Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu xilka haayo halsano kaliya,isla markaana waqti xileedkiisa uu ku egyahay sabadka 2021 oo ay doorashada dhaceyso.

Waxaa uu madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay doonayaan inay burburiyaan Galmudug, hayeeshee uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn.

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyada oo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka  Madaxweyne Xaaf uu wajahaya khilaaf dhinaca dowladda kala dhaxeeya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!