Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Amarkii Uu Guddoomiye Yariisow Ku Baabi’iyay

Read Time:51 Second

Waxaa maanta oo ah maalin sabti ku Eg 30kii Cisho uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow u qabtay dadka degan dhulka darjiinooyinka ee Dowaladda Hoose in ay isaga baxaan.

Dadka Degan darjiimada  danta Guud ayaa Mar sii horeeysay waxa uu Eng Yariisoow u qabtay waqti Kooban, isagoona sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay ku faarujiyaan waqtiga loo qabtay inkastoo ilaa iyo waqtigaan aysan jirin goobo darjiimo ah oo horay loo deganaa ee haatan laga guuray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa 30 maalmood ka hor Warbaahinta uu sheegay in dhamaan heshiisyadii goobaha darjiimada ah dadka ku ganacsada lala galay uu dib noqday maamulka dowladda Hoose ee Xamar.

Lama oga in Maamulka Gobolka Banaadir uu maanta howlo burburin ah uu ku dhaqaaqayo iyo in digniino kale ay jiridoonaan intabaha,  balse wixii waqtigaan ka dambeeya Hadii maamulku uusan hadlin ama uusan talaabo kale qaadin Awaamiirta Gudoomiye Yariisow waxaa ay la mid noqoneysee kuwii horay loo soo saari jiray

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %