Hal sano jir Soomaali ah oo dhacay daar 11 dabaq oo badbaaday

Read Time:1 Minute, 20 Second

Minneapolis – Mareeg.com: Wiil hal sano jir ah, oo Soomaali ah, oo ka soo dhacay dabaqa 11-aad, ayaa badbaaday. Arrintaan ayaa noqotay mid aad loola yaabay.

wiil_11-dabaq_2

Wuxuu wiilkan Soomaaliga ah dabaqa ka soo dhacay kadib markii balakoonka guriga ay furtay gabar yar, iyadoo aabaha dhalay uu banaanka aaday.

Wiilkan yare e Soomaaliga waxaa la dhigay Isbitaalka Hennepin County, waxaan qoyska wiilka dhalay sheegeen inay la yaab ku noqotay in uu badbaaday.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Muse Dayib, waxaa uu ka soo dhacay guri ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Maraykanka.

Dhakhaatiirta daweynaysa wiilkan yar, ayaa sheegay in wiilka xaaladissu ay adag tahay balse ay degan tahay. Waxaa uu dhaawac ka soo gaaray sambabaha iyo madaxa.

Waxaa kale oo ay Dhakhaatiitu sheegayaan in dhowr meelood oo gacanta ah uu ka murgacday, ayna ku rajo weyn yihiin inuu ka kici doono dhaawacyadan.

Dhakhtar ku takhasusay qalliinka, ayaa sheegay in qofka weyn uu dhimanayo haddii uu ka soo dhaco guri ka sarreeya toddoba dabaq. Balse, waxaa uu leeyahay jirka yar ee wiilkan ayaa badbaadiyay.

Wiilka, ayaa sidoo kale ku soo kor dhacay meel aan adkayn, oo ay yaalleen haraaga alwaaxyo.

Waxaa sii badanaya Soomaalida ka dhacay daaraha dhaadheere, bishii hore April haweeney Soomaali ah oo uur leh, laguna magacaabo Nadiifo Cabdi ayaa ka dhacday daar 3 biyaano ah iyadoo ka dhuumaneysay booliska Kenya oo doonayey iney xiraan.

Sidoo kale, dhowr maalmood ka hor haweeney Soomaaliya oo lagu magacaabo Farxiyo Axmed Yaroow, ayaa sheegtay in booliska Kenya ka tureen daar saddex biyaano ah, islamarkaana ka dul dhacdfay guri jiingad ah oo deris la ahaa guriga laga tuuray.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.