Hakan Çavuşoğlu iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw soo gaaray Muqdisho 

Read Time:34 Second

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana wafdigan sida aan wararka ku helnay loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in  ay la kulmaan Madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Dowlada Turkuga ayaa taageero balaaran siisa  Soomaaliya, waxaana Turkiga Mudisho ka furatay Safaarad aad u weyn waxa ay sidoo kale ka dhisatay saldhiga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahya meel ka baxsan dalkiisa.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.